Folkhälsomyndigheten Din psykiska hälsa

Maxaa saameeya caafimaadka dhimirka?

Caafimaadka maskaxdeena waxaa saameeya waxa aan samayno, sida aan u nool nahay iyo waxa aan la kulanno, waana isbedelaa inta nolosheenna oo dhan ah. Waxa saamayn kara caafimaadka dhimirka ayaa inta badan loo qaybiyaa arrimo ilaalin ah iyo arrimo halis ah. Waxyaalaha qaarkood ee saameeya caafimaadka maskaxda waa la bedeli karaa, halka kuwa kalena ay aad u adag tahay in wax laga qabto.

Caafimaadka maskaxdeena waxaa saameeya arrimo kala duwan. Waa wax badan oo ku saabsan waxa aan samayno, sida aan u nool nahay iyo waxa aan ku lug lahayn. Kuwani waxay noqon karaan labada arrimood ee heerka bulshada, dadka noo dhow, iyo arrimo gaar ah. Caafimaadka maskaxdeena sidoo kale way isbedeshaa inta nolosha lagt guda jiro. Dadka intiisa badan waxay la kulmaan dhibaatooyin caafimaad maskaxeed waqtiyo kala duwan noloshooda. Dhibaatadu waxay noqon kartaa mid gaaban iyo mid dheer labadaba iyo heerar kala duwan oo xaga sidey u kala daranyihiin. Mararka qaarkood waxaan u baahanahay caawimo si aan u dareemo fiicnaan.

Waxyaalaha qaarkood ee saameeya caafimaadka dhimirka ayaa aad u adag in la beddelo, sida arrimo jireed ama hido ama korriinteenna, halka waxyaabaha qaar ay sahlan tahay in aan saameyn ku yeelanno nafteena, sida qaab nololeedka iyo caadooyinka nolosha.

Waxaa na saameeya, waxyaabo kale:

  • arrimaha noolaha sida dhaxalka, da'da iyo jinsiga
  • qaab nololeedka iyo caafimaadka guud
  • arrimo nafsi ah sida daciifnimada neerfaha, shakhsiyadda, awoodda garashada iyo u adkeysiga diiqada nafsaaniga ah
  • arrimaha bulshada sida barbaarinta, xiriirka, caadooyinka, dhaqanka, xaaladda guriyeynta, xaaladaha dhaqaale, shaqada iyo waxbarashada.

Qodobbada difaaca iyo khatarta

Waxa raad ku yeesha caafimaadka maskax ahaan waxaa lagu magacaabaa arrimaha difaaca iyo arrimaha khatarta ah.

Qodobbada difaaca waxa ka mid noqon kara, tusaale ahaan, in aad yeelato kalsooni wanaagsan ama saaxiib dhow, deegaan shaqo oo wanaagsan ama hiwaayad aad runtii jeceshahay. Cunista cunto caafimaad leh, jimicsi joogto ah, iyo hurdo kugu filan ayaa iyana muhiim ah.

Qodobbada khatarta ahi waa ka soo horjeeda arrimaha ilaalinta. Arrimaha khatarta ah waxay ahaan karaan in lagu soo koro qoys leh balwad ama dagaalo badan, in lagu jiro dhibaatooyin dhaqaale ahaan ama la dareemo in aan lagu haboonayn waxaa loo arko inay caadi ka tahay bulshada. Tani waxay saameyn xun ku yeelan kartaa caafimaadka. Waxa fiican waa in arrimaha difaaca ay khafiifin karaan cawaaqibka arrimaha khatarta ah, kordhinayaan awoodda ka hortagga caafimaad daro maskax ahaan oo si fiican kuugu qalabayn karaan in aad wajahdo hawlaha adag ee nolosha.

Uppdaterat: 2025-03-10