Folkhälsomyndigheten Din psykiska hälsa

Tirakoob ku saabsan sida aan dareemeyno caafimaad ahaan Iswiidhan

Inta badan dadka ku nool Iswiidhan waxay sheegaan in ay dhimirkoodu wanaagsanyahay amaba aad u wanaagsanyahay. Isla mar ahaantaana, qaar badan ayaa ka warbixiya inay qabaan dhibaatooyin caafimaad maskaxeed sida walwal, walaac, walbahaar iyo dhibaatooyinka hurda. Gabdhaha iyo dumarka waxay sheegaan dhibatoyinka in ka badan wiilasha iyo ragga, dhalinyaraduna waxay soo sheegaan dhibka in ka badan kuwa da'da ah.

Ku dhawaad 9 ka mid ah tobankii qof ee Iswiidhan ku nool waxay qabaan inay caafimaadka maskaxdoodu wanaagsan tahay, saamigana waa ugu sarreeyaa dadka da'doodu u dhaxayso 65-84 sano. Caafimaadka maskaxeed waxay ka dhigan tahay, waxyaabo sida inaad caadi ahaan aragti wanaagsan ka leedahay mustaqbalka, aad dareento degenaansho, aad si cad u fikiri karto oo aad si fiican u xallin karto dhibaatooyinka.

Iyadoo dadka intooda badan ay sheegaan inay dareemayaan fiicnaan, qaar badan ayaa soo sheega in ay mararka qaarkood la kulmaan dhibaatooyin caafimaad oo maskaxeed sida walwal, walaac, walbahaar iyo dhibaatooyin hurdo. Dadka intooda badan waxay leeyihiin calaamado fudud.

Sahanka Caadooyinka Caafimaadka Carruurta Dugsiga waxa la qabtaa afartii sanaba mar carruurta ay da'doodu tahay 11, 13 iyo 15. Laga soo bilaabo bartamihii 1980-meeyadii, dhibaatooyinka nafsiga ah ee maskaxeed iyo kuwa jireed ayaa ku soo batay ardayda dugsiyada Iswiidhan, gaar ahaan gabdhaha 13-iyo 15-jirka ah, laakiin waxaa sidoo kale kordhay dhibaatooyinka maskaxda sida walwalka, walaaca, walbahaarka iyo dhibaatooyinka hurdada ee kooxaha da'da weyn (16-84 sano) 20kii sano ee la soo dhaafay.  Haddii aan eegno shaqada, arday badan iyo dadka shaqo la'aanta ah ayaa sheegay in ay qabaan dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda oo ka badan mark loo eego kuwa xirfadlayaasha ah ee shaqeeya.

Walaac, walwal iyo cidhiidhi

In ka badan 40 boqolkiiba dadweynaha ayaa sheegaya inay la ildaran yihiin walaac, walwal ama cidhiidhi. Dadka intiisa badan, dhibkoodu waa mid yar.

Walaaca, welwelka iyo walbahaarka ayaa ku badan dadka da'da yar marka loo eego dadka da'da ah. Kooxda da'da ugu yar, in ka badan kala badh ayaa sheegaya inay la kulmeen dhibaatooyin fudud ama daran. Dadka da'da ah, saddexdiiba mid ayaa la kulmay dhibaatooyinkan.

Waxa kale oo ay ku badan tahay dumarka marka loo eego ragga. Labadii dummare mid iyo saddexdii ninba mid waxay lahaayeen calaamado khafiif ah ama daran oo walaac, walwal ama cidhiidhi ah. Haweenka da'da yar ee da'doodu u dhaxayso 16 iyo 29 waa kooxda inta badan ka warbixisa inay la kulmaan walaac, welwel iyo murugo. Boqolkiiba 50 waxay soo sheegaan calaamado khafiif ah halka 23 kale ay qabaan calaamado daran.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, walaac, welwelka ama cidhiidhiga is-sheegida ayaa kordhay dadka Iswiidhan min 31 boqolkiiba 2011 ilaa 43 boqolkiiba 2021. Inta badan, waa dhibaato fudud, laakiin 7 boqolkiiba waxay la kulmaan calaamado daran.  Dhammaan kooxaha da'da ah, dumarka in ka badan ragga ayaa ka warrama walaaca iyo welwelka, waxayna ku badan tahay haweenka da'da yar (16-29 sano jir). Walaaca daran ama welwelka waxaa soo sheegay 23 boqolkiiba haweenka da'da yar 2021. 2011, tirada u dhiganta waxay ahayd 9 boqolkiiba. Waxaa jiray koror la mid ah ragga dhalinyarada ah, laakiin laga soo bilaabo 5 boqolkiiba 2011 ilaa 9 boqolkiiba 2021.

Dhibaatooyinka hurdada

In ka badan 40 boqolkiiba dadweynaha ayaa sheegay in ay ku adagtahay hurdada. Dadka da'da ah inta badan waxay dhib ku qabaan hurdada marka loo eego kuwa da'da yar, dhibaatooyinka ayaa u muuqda inay sii kordhayaan dadka da'doodu tahay 40-ka iyo 50-ka. Dhibaatooyinka hurdada ayaa sidoo kale guud ahaan ku badan dumarka marka loo eego ragga. Kooxda da'doodu u dhaxayso 45-64, in ka badan kala badh dumarku waxay sheegaan inay qabaan hurdo fudud ama daran.

Kelinimada iyo go'doonka

Ku dhawaad afartii qofba mid ka mid ah dadka da'doodu tahay 16 iyo wixii ka weyn ayaa sheegay inay dhibayaan kalinimo iyo go'doon. Inta badan waxay la kulmaan dhib fudud, laakiin qaarkood waxay qabaan dhib daran. Waxay ku kala duwanyihiin kooxaha xaga da'da. Kelinnimada iyo go'doominta ayaa aad ugu badan dhalinyarada qaangaarka ah iyo dadka da'da ah ee ka weyn 85 sano. 

Niyad jab

Niyad-jabku waa mid ka mid ah cudurrada dhimirka ee ugu caansan ee dadka waaweyn. Guud ahaan, ku dhawaad shantii qof ee ku nool Iswiidhan mid ka mid ah ayaa sheegay in mar uun laga helay niyad-jabka. Niyad-jabka ayaa laba jeer ku badan dumarka marka loo eego ragga.

Cadaadiska

Ku dhawaad lixdii qofba mid ayaa la kulma cadaadis. Tirakoobyadu waxay muujinayaan in ay aad ugu badan tahay in la dareemo walaaca haweenka iyo dadka da'da yar, laakiin sidoo kale ardayda, kuwa shaqo la'aanta ah iyo kuwa ku jira fasaxa jirada ee muddada dheer. Caafimaadka xumida la xiriirta walaaca ayaa kor u kacday caalamka tan iyo 1990-meeyadii waana maanta mid ka mid ah sababaha ugu badan ee fasaxa jirada ee mudada dheer. Ku dhawaad 40 boqolkiiba dhammaan fasaxyada jirada maanta waxaa sabab u ah caafimaad darro la xiriirta cadaadiska nafta.

Uppdaterat: 2025-03-10