Taageerida qof dhimirka ka jiran
Maxaad samayn kartaa si aad dadka kale uga caawiso inay fiicnaadaan? Uma baahnid inaad noqoto khabiir caafimaadka dhimirka si aad u taageerto qof xanuunsanaya.

Mararka qaarkood waxaad u baahan tahay caawimo ama taageero qof kuu dhow si aad u dareento fiicnaan. Waxaad siyaabo kala duwan u taageeri kartaa qoyskaaga, asxaabtaada, shaqo-wadaagtaada ama kuwa kale ee aad taqaanid. Muhiimadu waxay tahay inaad muujiso inaad u taagan tahay qofka u baahan, la hadasho oo dhegaysato adigoon xukumin, laga yaabee inaad hubiso inaad hesho waxyaabo madadaalo leh oo aad wada qabato. Ka hadalka wax walba, ma aha oo kaliya sida uu qofku dareemayo, waa hab wanaagsan oo lagu muujin karo welwelka waxayna sahlaysaa in laga hadlo mowduucyo adag. Uma baahnid inaad khabiir ku tahay caafimaadka dhimirka si aad u taageerto qof baahan.
Talooyin ku saabsan sida loo taageero qof xanuunsan
Mar walba qof lagoma dareemayo caafimaad darro, markaa xor u noqo inaad waydiiso sida uu qof dareemayo haddii aad xiisaynayso. Way adkaan kartaa in la taageero qof xanuunsanaya. Laakiin waxa ugu muhiimsan waa inaad muujiso inaad danaynayso, tusaale ahaan inaad dhegaysato oo aad caawimo siiso.
Haddii aad la hadlayso qof xanuunsanaya:
- Ku dhiirro inaad waydiiso sida uu qofku yahay.Fadlan door waqti iyo goob aad ku hadli karto adigoon qasnayn. Mararka qaarkood way sahlanaan kartaa inaad hadasho haddii aad sameyso wax kale isla waqti isku mid ah, sida inaad lugeyso ama la qaxwo cabto.
- Ixtiraam haddii aanu qofku doonayn inuu hadlo.Qofka aad waydiiso waxaa laga yaabaa inuu u maleeyo inuu isaga un u agar tahay inuu ka hadlo caafimaad xumada ama ka xishoodka dareenkiisa. Ha niyad jabin haddii qofku aanu rabin inuu ka hadlo sida uu dareemayo, muhiimadu waa inaad muujiso inaad danayso. U sheeg inaad halkaas dyaar ugu tahay haddii qofku fikirkiisa iska beddelo.
- Dhageyso si furan oo aan xukun lahayn.Tus in aad dhegaysanayso adigoo lulaya, jiibinaya, oo indhaha la raacaya. Weydii su'aalo dabagal ah haddii aadan fahmin. Iska ilaali isla markiiba inaad bilowdo inaad talo bixiso ama la wadaagto khibradaada. Waxaad ku xaqiijin kartaa dareenka adag adoo sheegay in ay u egtahay in qofku uu ku jiro wax adag. Weydii haddii ay jiraan wax xaaladda u beddeli kara si ka wanaagsan. Sidan, waxaad ku martiqaadaysaa inaad si wadajir ah u xalliso xaaladda. In aad adeeg u muujiso oo aad isku daydo in qof aan caafimaad qabin in uu "dadaalo" ama uu wax ka qabto dhibaatada waxay abuuri kartaa walbahaar, ceeb iyo eedaymo. Inta badan waa ku filan tahay in lala joogo oo keliya oo la dhegeysto.
- U gudbi rajo. U sheeg inaad aaminsantahay inay fiicnaan doonto inkasta oo aad fahantay inay adagtahay hadda. U sheeg in aad arrintaan ka wada gudbaysaan oo ay caadi tahay in dadku ay dareemaan xumaan oo aysan hadda arkin wax horumar ah, laakiin markaas ay dareemaan fiicnaan. Waxaad sidoo kale bixin kartaa inaad bixiso macluumaadka ku saabsan taageerada la heli karo ee laga yaabo inay waxtar u leedahay qofka, tani waxay si gaar ah muhiim u tahay haddii waxa uu qofka sheegayo ay ku welwelayaan.
- Haddii qofku uu aad u xanuunsanayo, ku dhiirigeli inuu raadsado caawimo xirfad leh.Ma noqon kartid cilmi-nafsi yaqaanka qofka, laakiin waxaad noqon kartaa qof dareemi kara. Waxaad bixin kartaa inaad ku caawiso ballan ama aad ku raacdo booqasho daryeel caafimaad. U caddee in aad la joogto qofka ilaa uu ka helayo caawimo, iyo in aad rabto in aad ku sii jirto noloshiisa ka dib. Haddii aad u malaynayso inay u wacnaan lahayd dad badan oo ku xeeran qofka inay ogaadaan sida uu qofku dareemayo, waxaad waydiin kartaa inay caadi tahay inaad la hadasho qof kale oo ay ku kalsoon yihiin.
- Weydii haddii ay tahay inaad la timaado wax iyo waxa uu qofku rabo inuu sameeyo.Badana waxaad dareemeysaa fiicnaan markaad sameyso waxyaabo aad jeceshahay. Waxaa laga yaabaa inay tahay qaxwen, socod, filim daawasho, ciyaar kubbadda cagta ama wax kale. Talooyinka waxqabadyada cusub ee la isku dayo sidoo kale waxay noqon karaan kuwo wanaagsan, sababtoo ah danaha cusubi waxay horseedi karaan xiriir cusub iyo hawlgelin. Badideen waxay ku faraxsan yihiin inaan yeelano hab-raacyo iyo macnaha guud ee nolol maalmeedkeena marka aan dareenno xumaan. Sidaa darteed waxaad sidoo kale waydiin kartaa haddii ay tahay inaad, tusaale ahaan, wada jimicsataan, wax barataan ama samaysaan wax kale. Dhegayso waxa uu qofku hadda xamili karo, si aanay u noqon mid aad u baahan.
- samir.U muuji inaad halkaas diyaar ugu tahay haddii qofku rabo inuu hadlo ama wax sameeyo. Lasoo xidhiidh oo xidhiidhka wad, xataa haddii aanu qofku ahayn mid bulsho sida caadiga ah.
Taageerada raadinta caawimo xirfadeed
Haddii aad u malaynayso in qofku u baahan yahay taageero iyo caawimo dheeraad ah, waxaad ka caawin kartaa inay helaan midda saxda ah.
Raadinta daryeel waxay ku noqon kartaa mid ku adag qofka xanuunsanaya. Way adkaan kartaa in la ogaado waxa loo sheego bixiyayaasha daryeelka caafimaadka, wayna adkaan kartaa in runta la sheego. Habka daryeelka caafimaadku u shaqeeyo badanaa waa in marka hore la sameeyo qiimayn ka dibna qofka loo wareejiyo ama la sameeyo ballan dambe oo ku salaysan sida degdegga ah ee xaaladda loo qiimeeyo, taas oo laga yaabo in aan buuxin baahida qofka si toos ah uga hadlo sida uu dareemayo. Qofka waxaa laga yaabaa inuu la kulmo diidmo iyo dib u celin. Sidaa darteed waa muhiim inaad, taageero ahaan, weydiiso bixiyaha xanaanada caafimaadka inuu si gaar ah u sheego tallaabooyinka xiga - cidda la xiriiri doonta ama lala xiriiri doono, iyo goorta iyo sida ay u dhacayso.
Warbixin dheeraad ah
- Soomaali: Daryeel-raadinta Iswiidhan (1177.se)
- Iswidish: Raadinta taageero iyo caawimo (1177.se)
- Iswidish: La-talinta daryeelka caafimaadka 1177 oo af iswiidhish fudud ah (1177.se)
- Luuqadaha kale: Talada daryeelka caafimaadka 1177 oo luqado kale ah (1177.se)
- Iswidish: Haddii aad da'yar tahay oo aad maskax ahaan xanuunsan tahay (umo.se)
- Luuqadaha kale: Haddii aad da'yar tahay oo aad maskax ahaan xanuunsan tahay (youmo.se)
- Iswidish: Sideed u caawin kartaa qofka ku fikiraya inuu isdilo? (1177.se)
Uppdaterat: 2025-03-10